Wararka
DFS WAXAY BOGAADINAYSAA DADAALLADA AMIIRKA KUWEYT EE LA ISUGU SOO DHAWAYNAYO DALALKA KHALIIJKA.
Warsaxaafadeed ay soo saartay dowlada federaalka Soomaaliya ayay ku soo dhaweysay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowlada ka soo baxay.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mar walbo ay ka go’antahay xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka khaliifka.