Wararka
Deni oo kulamo la qadanaayo madaxda Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan oo ay weheliyaan Agaasimeyaashooda Maamulka iyo maaliyadda.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay hufnaan iyo howlkarnimo.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ilaa iyo shalay kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ururada Bulshada, Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee ka diwaan galsan Puntland iyo golaha wasiirada Puntland waxaa uuna dhamaantoot warbixin ka siiyay safaradii uu ku tagay Jabuuti, Dhuusa-mareeb iyo socdaalkiisi Gobolka Mudug isagoo dhanka kale talooyin ka dhagaystay masuuliyiintii uu kulanka la qaatay.