Wararka
Degmada Marka oo Guddoomiye Cusub loo Magacaaabay.
Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Wareegta ka soobaxday waxaa guddoomiye Cusub loogu Magacaabay degmada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa waxaa loo Magacaabey in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Marka ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed .
Wareegtada ayaa lagu xusay kadib markii la arkay baahida loo qabo isbedel dhinaca Maamulka ah iyo soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose in Guddoomiye Cusub loo Magacaaba degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddoomiyaha degmada Marka.