Wararka
Magaalada Kismaayo o Laga Hirgaliyay Iskuul Ay Wax Ku Barandoonaan Dadka Danta yar.
Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Waxbarashada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta si wada jir ah uga xarig jarey xaafadda Farjanno gaar ahaan waaxda Mariino Iskuul ay wax ku baran doonaan dadka dan yarta ah ee ku dhaqan xaafadaasi.
Iskuulkaan oo ka kooban ilaa 10 Fasal ayaa lagu magacaabo Tayo School waxaana fursad u helay in wax ku bartaan ku dhawaad 700 Ardey isku jira Wiilal iyo Gabdho.
Ardeydaan loo hirgaliyay xaruntan Cusub ayaa markii hore wax ku baran jirey meel aan sidaa uga fogeyn goobta laga hirgaliyay Iskuulka,waxeyna arrintaani timaadey ka dib markii ay dowadd goboleedka Jubbaland ay aragtay baahida ay ardeydaani u qabaan boos intaan ka wayn oo ay wax ku bartaan.
Munaasabadda xarig jarka Iskuulka Tayo waxaa hadallo kooban ka soo jeediyay Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timajilic waxa uuna ugu horreyn u mahad celiyay dadkii gacanta ka geystay hirgalinta xaruntan cusub ee uu yeelano Iskuulka Tayo,Guddoomiyaha aya sidoo kale sheegay in ay muhiimadda gaar ah siinayaan Horumarinta goobaha waxbarashada taas oo ka mid ah waajibaadka sida gaarka u saaran maamulka gobolka iyo kan degmada Kismaayo.
Agaasimayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha gudaha Jubbaland oo goobta ka hadlay ayaa ku balan qaadey in ay sii wadi doonaan garab istaagidda iyo taageeridda Ardeyda Kismaayo maadaama uu ardeyga maanta uu yahay ubixii barritoole.