Wararka

Degmada Baydhabo oo loo magacaabay maamul cusub.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abukar Abdi Ayaa maanta Xilkii ka qaaday sidoo kalena magacaabay Maamulka Cusub ee Degmada Baydhabo.

Wasiirka ayaa magacaabay xubno ka kooban ilaa shan ruux kuwaas oo badali doona maamaulkii hore ee degmada Baydhabo waxaana guddoomiyaha Degmada Baydhabo loo magacaabay Xassan macalin Ahmed (Biikooli).

Mohamed Abukar Abdi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhamaan maamulka cusub amray in ay si dhaqsi leh u gutaan waajibkii shaqo ee loo igmaday.

Haddaba Hoos ka akhriso magacaabista cusub ee Degmada Baydhabo:No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close