Wararka
DEG DEG: Soomaaliya oo shaacisay in maalinta Bari soon tahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta barri ah ay tahay maalintii ugu dambeysay bisha Ramadan oo la buuxinayo 30 bisha,
Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh Cumar Cali Rooble oo shacabka Soomaaliyeed la hadlay ayaa ku dhawaaqay in baaritaan dheer ka dib la waayay cid aragtay bisha isla markaana bari aysan ahayn Ciid.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maqribkii horey u shaacisay in berri oo Arbaco ah ay tahay Soon ah oo la buuxin doona 30 ka bisha Ramadan. Ciidduna ay ku beegantahay maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 13 May 2021.