Wararka
DEG DEG: Soomaaliya oo dib u soo celisay xeriirkii kala dhaxeeyay Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee ay la laheyd dowladda Kenya kadib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankaan.
Soomaaliya ayaa horey u jartay xeriirka Dowlada Kenya ay la lahed iyadoo ku eedeysay kenya in ay gudaha Soomaaliya ka waday faragalin iyo in ay bur bur u geysatay shirkadaha isgaarsiinta.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib saacado un markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar