Wararka
DEG DEG: SOMALILAND OO LAGA HELAY KIIS KII UGU HOREEYAY EE CORONAVIRUS.

Wasiirka wasaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cali cabdullahi oo goor dhaw saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in kiis kii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus laga helay Guddaha Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in dadka laga helay xanuunkaani COVID-19 ay gaarayaan laba qof oo midna Soomaali yahay halka kan kalena uu haysto dhalashada chines-ka waxaa uuna raaciyay in ay kala joogaan magaalooyinka Bar-bara iyo Burco.
Cumar Cali Cabdullahi, Wasiirka wasaradda caafimaadka Somaliland ayaa intaasi ku daray in ay amar ku bixiyeen in dhamaan daba gal lagu sameeyo dadkii ay la fal galeen labadaasi ruux lana soo qab-qabta.