Wararka

Deg Deg: Qarax Qasaaro gaystay oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Kabuul.

Qarax ayaa maanta oo khamiis ah ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee Afgaanistaan, halkaas oo Mareykanka iyo dalal kale ay ka daadgureynayeen tobanaan kun oo qof.

“Waxaan xaqiijin karnaa qarax ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Militariga Mareykanka oo xaqiijiyay qaraxa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay albaabka weyn ee Abbey Airport, halkaas oo kumanaan qof ay isugu soo urureen 12 -kii maalmood ee la soo dhaafay iyagoo rajeynaya in la daadgureeyo ka dib markii Taalibaan ay awoodda la wareegtay.

Warar kale ayaa sheegaya inay ku dhowdahay Hoteelka Baron oo u dhow albaabka, kaas oo waddammada reer Galbeedka ay u adeegsan jireen daad -gureynta qaar.

Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa sheegay inay heleen xog sirdoon oo sheegaya in naftood-hurayaal ku xidhnaa gacanta Afgaanistaan ​​ee kooxda Dawladda Islaamiga-Khorasan (IS-K)-ay ku hanjabayeen inay weerari doonaan gegida dayuuradaha ka hor wakhtiga Washington ee 31-ka Ogosto si loo dhammaystiro daadgureynta.

waddamada reer galbeedka ayaa uga digay muwaadiniintooda inay si dhaqso leh uga baxaan agagaarka garoonka sababo la xiriira hanjabaad kaga imaanayso kooxaha Kabuul.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close