Wararka
Deg Deg: Kenya oo Jawaab ka bixisay edeyn ay dowlada Soomaaliya u jeedisay.

Dowlada Kenya oo soo saartay warsaxaafadeed ay kaga jawaabaysay eedeyn ay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax fara galin ah ku haynin madax banaanida jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ayna dhowrta daris wanaaga.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonta howlgallada lagu xaqiijinaayo amniga dalka iyadoo dowlada Soomaaliya kula talisay in ay wada-shaqayn dhaw layeelata dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Sidoo kale war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay kicin dadweyne iyo kaambeyn siyaasadeed ka wadda baraha bulshada iyagoo usoo jeediyay in awooddaas loo isticmaallo hoggaan wanaaga.