Wararka

Deg Deg: Af-hayeenkii Isimada Puntland oo Geeriyooday.

Waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenkii Isimada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya Magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Alle ha u naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid wuxuu ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isagoo wax badan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Alle uga baryey Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid inuu danbigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo, ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.

Sidoo Kale Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Khaire ayaa kamid ah dadka ka tacsiyayeeyay Geerida ku timid Garaadka isaga oo Allah ugu baryay in uu Janadii Fardawso ka waraabiyo.

Garaad Cabdulaahi Cali Ciid waxaa uu horay uga mid ahaa ciidmadii militariga ee Soomaaliya oo uu ka gaaray darajada korneel.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close