Wararka

Darawalka masuul katirsan xukuumada Somaliland oo tugtay nin shacab ah.

Wararka inaga soogaaraya Deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo waramaya in nawaaxiga Degmada Laasgeel lagu toogtay Nin shacab ah.

Toogashada Ninka shacabka ah ayaa waxaa geystay Daraawalka wasiirka wasaarada waxbarashada Maamulka soomaaliland.

Toogashada ayaa Timid kadib markii ay murmeen Ninka shacabka ah iyo daraawalka wasiirka waxbarashada Soomaaliland taasi oo sababtay in Daraawalka uu lasoo baxo Bastoolad kadibna uu Xabad ku dhuftay Ninkii shacabka ahaa.

Xeliga ninka la tooganayey ayaa la sheegay in wasiirka waxbarashada Soomaaliland uu saarnaa gaariga waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Xaalada Ninka la toogtay ayaa aad looga deerinayaa madaama ay gaareen dhaawacyo halis ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close