Wararka

Dalka Suudaan oo ay ka socdaan dibad baxyo balaaran iyo dimasha laga soo warinaayo.

Dibadda baxyadii Suudaan ayaa dib u soo cusboonaaday kadib markii saaka lagu arkay wadooyinka waaweyn ee caasimadda Khartuum dibad baxyaal soo dhoobtay oo ku banaan baxaayay xiro ciidan oo ay militariga dalkaas ku jiraan.

Dibad baxyadaan ayaa dalbanaayo in maamulka dalka Suudaan gacanta loogaliya shacab iyadoo ay socdaan heshiisya loogu kala dhex jira labada dhinac ee kala ah dhinaca Milatariga hadda xukunka haayo iyo daladaha Hoggaanka u haayo banaanbaxyada kasocda dalka Suudaan.

Illaa iyo hadda waxaa lasoo sheegiyaa in kudhawaad sagaal ruux ay ku dhinteen dibad baxyadaan. Mohammed Alamin oo ah wariye ka howl-gallo magaalada Khartuum ayaa wakaalada wararka ee Al Jazeera u sheegay in ciidanka ay saaka iskudayeen in ay kala ceeriyaan dibad baxyaasha ayagoo u adeegsanaayo gaaska dadka ka ilimaysiya balse markii danbe oo ay rabshaduhu sii gordheen ay ciidanka isticmaaleen rasaas nool nool taas oo sababtay dhimashada sagaal ruux iyo dhaawac intaa ka bada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close