Wararka
Dalka Sacuudiga oo lagu soo gaba-gabeeyay Shirka wasiirada Dalxiiska Jaamacadda carabta.

Magaalada Alahsa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Shirka wasiirada Dalxiiska dalalka ku jira Jaamacadda carabta oo ay Soomaaliya kamidka tahay.
Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wafdi balaaran uu hoggaaminaayay ayaa dalka Soomaaliya ku matalaayay Shirka 22aad ee Wasiirada Dalxiiska ee Jaamacadda Carabta.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarada ay sameeyeen wasaaradaha dalxiiska ee dowladaha ku jira Jaamacadda carabta, Caqabadaha jiro iyo habka looga gudbi karo caqabadahaasi.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa intii uu ku suganyahay magaalada Al Axsa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirada dalxiiska ee dalalka Jaamacadda carabta isagoo horaan kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska ee dalka Jabuuti.