Wararka

dalka Jabuuti oo uu maanta ka furmay shir Caalami ah.

Maanta oo Isniin ah waxaa Guriga Ummadda ee dalka Jabuuti ka furmay Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritag.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Soomaaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan deegaannada Soomaalida.

Inta uu socda kulankaan ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa Aragti Wadaagga iyo Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika.

Dowlada Soomaaliya waxaa shirkaan ugu qayb galaayo wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha dibada xukuumada federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo uu kamid yahay wasiirka wasaaradda maaliyada dalka Dr. Cabdirahman Ducalle Bayle.

   

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close