Wararka

Dalalka Sacuudiga iyo Japan oo hesshiisya wada saxiixday.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta boqortooyada Sacuudiga Abdullah Al-Sawaha iyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Isgaarsiinta dalka Japan Masatoshi Ishida ayaa kala saxiixday heshiisyo kor loogu qadayo wadashaqaynta labada dal gaar ahaan dhanka warfaafinta iyo xiriirka tiknoolajiyada.

Wasiirada ayaa heshiiskaan ku kala saxiixday dalka Japan xili uu wasiirka dalkaasi kaga qayb galaayo shirka wadamada G-20.

Dabayaqada bishaan ayaa lagu wadaa in uu dalka Jabaan ka qabsooma shirkaan oo ay sanadkiiba mar isugu yimaadan xubnaha ururka G-20 kaas oo ay kaga wada hadlaan xaaladaha dhaqaale ee addunka.

Wadamada qaniga ah ee ururkaan ku  mideysan ayaa kala ah Boqortooyada Sacuudiga, Jarmalka, Arjantiina, astureeliya,Baraasiil, Kanada, kuuryada Waqooyi, Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska, Hindiya, Indunuusiya, Talyaaniga, Jabaan, magsiko, Ingiriiska, Ruushka, Koonfur Africa, Turkiga iyo Midowga yurub.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close