Wararka
Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Haiti.

Dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay booliska iyo ragga looga shakisan yahay inay dileen madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse ayaa ka socday magaalada Port-au-Prince.
Taliyaha booliiska Léon Charles ayaa sheegay in afar tuhmane ladilay labo kalena la xiray laakin qaar kamida wali lagu raad joogo oo wali baadi goob ay ku jiraan.
Mr Moïse, oo 53 jir ah ayaa si xun loo toogtay xaaskiisana waa la dhaawacay markii ay weerareen koox aan heebtooda la garan.
Taliyaha booliiska Charles wuxuu ku sifeeyay muuqaalo riwaayado ah markii ay askartu ka hor yimaadeen gacan ku dhiiglayaasha lagu eedeeyay dilka.
“Waxaan ka horjoogsanay [tuhmanayaasha] safarka markii ay ka baxeen goobta uu dambiga ka dhacay,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id. Tan iyo waqtigaas, waxaan la dagaallameynay iyaga. ”