Wararka
Dagaal ka socda dDeegaanka Cada-xaar.

Deegaanka Cada-xaar oo dhanka Koofur kaga beegan deegaanka bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa ka socanaya dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab ka dib markii ciidamo ka tirsan Qaybta 21aad ee xoogga dalka iyo NISA ay Weerar Qorshaysan ku qaadeen Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa oo Warbaahinta dowlada la hadlay ayaa sheegay in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey isla markaana la sii wadi doono.
Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayay Al-Shabaab Shacabka ku sugnaayeen muddooyinkii ugu danbeeyay.