Wararka
Dagaal agagaarka degmada Diinsoor ku dhexmaray ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab.

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Meydka Labo Dagaalyahaan oo katirsan Al-shabaab Maanta keenay magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka Dowlada iyo kuwa K/Galabeed Soomaaliya.
Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Dowlada ayaa waxaa la shegay in sidoo kale uu ku dhaawacmay abaanduulaha ciidamada koonfur Galbeed Taliyow Macalin Ibraahim.
Guddoomiyaha Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, Abdisalaan Haji Siidow Diyaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wereerka subaxnimadi hore ee saakay ku qadeen Deegaanka Xariima oo hoos yimaada Degmada Diinsoor, halkaasi oo ay fariisan ku lahayeen Al-shabaab.
Goddoomiye Siidow ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysanaa isla markaana aysan jiri wax khasaare dhimasho ah oo ciidanka Dowlada iyo kuwa K/Galbeed Soomaaliya kasoo gaaray, Balse ay jiraan dhaawacyo.
Dhanka Al-shabaab ilaa haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay lana xiriira Dagaalka ka dhacay Nawaaxiga Degmada Diinsoo ee Gobolka Baay.