Wararka
DAG DAG:- waxaa goor dhaweyd geeriyooday Amiirka wadanka kuwait Sheikh Sabaax Axmed.

Waxaa goor dhaweyd geeriyooday Amiirka wadanka kuwait Sheikh Sabaax Axmed. Amiirka ayaa geeriyooday xili uu ka qeybgalayay shirweynaha carabta ee ka socday tuunis ee “Anadol”
Maamulka sare ee boqortooyada kuweyt ayaa xaqiijisay geerida amiirka wadankaasi maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay 29/9/2020, ayagoo sheegay in uu ku dhintay cumri ahaan da”da 91-aad.
Bishii july ayey aheyd markii boqortooyada dalkaasi ay shaaciyeen in amiirka geeriyooday marxuum boqor sheikh sabaax axmed sabaax uu galay qaliin si guul ah kusoo dhamaaday.
Marxuumka ayaa ahaa boqorkii shanaad ee kuweyt kadib markii wadankaasi uu xoriyada qaatay sanadkii 1961-dii, asigoo xukunka la wareegay sanadkii 2006 kadib mudo 4 xili maamul oo uu ahaa wasiirka arimaha dibadda, kahor inta aanu isku sharaxin xukuumadda sanadkii 2003.
Sheikh Sabaax mudadii 40-ka sano aheyd ee uu ahaa wasiirka arimaha dibadda waxuu ka shaqeeyay hormarinta iyo sare u qaadista siyaasaadka arimaha dibadda iyo gudaha ee wadanka kuweyt.
Sidoo kale waxuu ka shaqeeyay daminta iyo xal u helida musiibooyin, ay ugu muhiimsaneyd dhibaatooyinkii yaman ka jiray iyo dagaaladii ciraaq iyo iiraan, kuwaas oo ku qanacsanaa qibradiisa shaqsiyadeed.
Sidaa ayuu usii waday sheikh sabaax olalahiisii nabadeynta dhax dhaxaadinta ah xataa kadib markii uu xukunka boqortooyada toos ula wareegay sanadii 2006-dii, ilaa heer uu gaaray in loogu magac daro hogaamiyaha howlaha insaaniga ah oo Qaramada midoobay ay u aqoonsatay sanadii 2004-tii, mansabkaas oo ahaa mid aysan helin cid asiga kaga horeysay ayadoo lagu ixtiraamayo doorkii xooganaa ee uu ka cayaaray Xuquuqul insaanka.