Wararka

Dad danyar ah oo loo sameeyay afur.

Barnaamijka afuri walalkaaga oo loo sameenayo bulshadu kuwooda aanan awoodin helida waxyaabaha ay ku afuraan islamarkaana ay sameenayaan ururka horumarinta dhalinyarada ee tusmo galay maalintiisii 6aad ayaa maanta waxaa afurin loogu sameeyay dad gaaraya ilaa iyo 300 qoys kuwaas oo ku nool kaamka guunsoor qaarkoodna ka yimid daafaha caasimada.

Agaasimha Tusmo Media group Cabdi kaamil yuusuf Maxamuud oo maanta kormeer ku tagay goobta dadka afurinta loogu sameenayo ayaa dhalinyarada Tusmo ku bogaadiyay sida ay bulshadu ugu sameenayaan afurinta iyo tabarucaada waxa uuna balanqaaday in tusmo media group ay door muuqda ka qaadandoonto barnaamijyada lagu caawinayo dadka danta yar.

Muumin xuseen maxamuud Gudoomiyaha uruka horumatinta dhalinyarada ee Tusmo Maxamed muqtaar ayaa tilmaamay inay wali wadaan ololaha ay bulshadu intooda dhibaateesan ugu sameenayaan afurin inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee ramadaan asagoona fariin udiray bulshada soomaaliyeed.

Dadkii kala duwanaa ee ka faaidaystay barnaamijka afurinta ee ay wadaan ururka horumarinta dhalinyarada ee tusmo ayaa waxbixiyay sida ay uga faaideesteen barnaamijkan.

Ururka hormarinta dhalinyarada ee Tusmo oo wali wada barnaamijada ay ku afurinayan dadka danta yar

Maamulka Tusmo media Group iyo Ururka hormarinta dhalinyarada ee Tusmo ayaa iska kaashaday afurinta boqolaal dad danyar ah oo duleedka magaalada ku nool

Posted by TUSMO TV on Thursday, 30 April 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close