Wararka
Dad badan oo isugu soo baxay waddooyinka Tehran.

Kumanaan dad ah ayaa maanta iskuugu soo baxay waddooyinka Magaalada Tehran kuwaas oo baroor diiq u dhigay Janaraal Qasem Soleimani oo ahaa hoggaamiya ciidamada gaarka ah ee Kuutada Qudis.
Dadka dibad-baxa waday ayaa ku dhawaaqaayay eroya ay kamid yihiin “Maraykanka Hoos ha noqda” waxaana lagu wadaa in halkaasi uu gaaro Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei isagoo halkaasi ka jeedin doona khudbad iyo duca.
Qasem Soleimani oo dowlada Iran u xil saarnaa howlgallada Bariga dhexe ayaa maalinimadii Jimcaha waxaa lagu dilay duqayn xili uu ku sugnaa meel u dhaw garoonka Diyaaradaha ee Baqdaad.
Duqayntii lagu dilay Qasem Soleimani ayaa waxaa amarkeeda lahaa madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaas oo sheegay in Qasem uu maleegaayay weerar uu ku qaado Diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ciidamadooda ku sugan Ciraaq.
Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa in badan kusoo cel-celiyay in ay u aargudi doonaan janaraalkii laga dilay isagoo dhanka kale ku dhawaaqay baroor diiq seddex maalin ah.