Wararka
(DAAWO): Xubna la sheegay in ay ka tirsanyihiin Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay guddi uu magacaabay madaxa xukumada Galmudug.

Xubna la sheegay in ay ka tirsanyihiin Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyay Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug oo uu dhawaan magacaabay Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Baarlamaanka ka hor jeediyay khudbad dheer oo uu ugu codsanaayo in ay codkooda siiyaan guddigaan isagoo intaasi ku daray in madaxda dowlad goboleedka Galmudug ay xaq u leeyihiin magacaabista guddigaan.
Sida lagu qoray bogga madaxa xukuumada Galmudug, Xildhibaanada kulankaasi soo xaadiray maanta ayaa gaaraayay 114 xildhibaan waxaana codka kalsoonida sijyay Gudiga 110 xildhibaan.