Wararka

(DAAWO): Wasiirka Haweenka OO ku dhowaaqday sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha, Marwo ; Deeqa Yaasiin ayaa Maanta ku dhowaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya.

War-murtiyeed kasoo baxay munaasabad lagu shaacinayo geeddi-socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu sharcigani si buuxda ula jaan-qaadi doono ballanqaadyadii ku xusnaa heshiiska Qaramada Midoobay ee Dadka naafada ah (CRPD).

Wasiir Deeqa, ayaa sheegtay in ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ahi uu fure u yahay sugidda iyo dedaallada loogu jiro kor u qaadidda xuquuqda Dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close