Wararka
(DAAWO): Taliye Xijaar oo ka warbixiyay Gabadh in muddo ah ka maqneed waalidkeeda.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran xalane.
Taliye Xijaar ayaa sheegay in gabadhaasi ay hadda ku jirto gacan amni ah, waxaa uuna intaasi ku daray in gabadhaasi oo awal looga shakisanaa in askar ay wadatay aysan taasi dhicin ayna gacanta ku hayeen hay’ad la yirahdo Center of Women development iyada iyo afar kale.
Hoos ka daawo Taliyaha oo faahfiin intaas dheer ka bixiyay gacan ku dhigista gabadhaasi.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku hayaan oo ay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran xalane
Posted by TUSMO TV on Tuesday, 21 January 2020