Wararka

(DAAWO): Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo dabooleysa baahiyaha deg-degga ah ee Bulshada Soomaaliyeed iyo ka hor tagga musiibooyinka.

DHishamaha xaruntaan ayaa kusoo aadeyso xili ay caawa u’n bis ah ka xigto xiligii uu dhacay qaraxii abid ugu qasaaraha badnaa dalka waa qaraxii October 14, 2017 waxaa uuna Ra’iisul Wasaaruhu faray howl-wadeennada ka shaqeynaya in ay sida ugu dhaqsaha badan xarunta u howl geliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee keentay fikirka xarungta lagu dhisayo iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay, ayaa sheegay in hoggaanka Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhageysiga Shacabka iyo in ay taladooda qaataan si Dowladdu u bixiso adeegyada ay Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin.http://https://www.youtube.com/watch?v=FaltKFNbBmg

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close