Wararka
(DAAWO): Maxkamadda Ciidamada oo xukun kasoo saartay Xubno u qaabilsanaa Alshabaab fulinta dilalka Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukumo kala duwan kuriday 9-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay Alshabaab u qaabilsanaayeen Alshabaab fulinta dilalka Muqdisho.
Mohamed Macalin oo magaciisa afgarashadu yahay ( Ilkacase) iyo Sideed kale oo isugu jiro maqanayaal iyo goob-joogayaal ayaa maxkamada sheegtay in ay mutaysteen xukunada lagu fuliyay waxaana go’aanka maxkamada gaba-gabadii aqriyay Guddoomiyaha maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka side Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ( Garyaqaan Shuute).
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee soomaliya oo xukuno kala duban ku Riday xubno ka tirsan alshabaab iyo hogaamiyahooda
Posted by TUSMO TV on Tuesday, 31 December 2019