Wararka

(DAAWO): Maxaa looga hadlay kulankii Golaha wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madasha Qaran ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda, ka dibna ay Madashu isugu iman doonto kulan  ay uga arinsanayaan sidii horey loogu sii anbaqaadi  lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham  oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi  Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga Siet ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfaham la gaaro ,waqtina uu siiyay ,balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo ,guddiguna ay dhexdooda is doortaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close