Wararka
(DAAWO): Madaxweyne Farmaajo “Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka”
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanayso ka jeediyay xaflad lagu abaalmarinaayay isaga iyo madaxweynayaasha Eritrea iyo Ethiopia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta ee CONCORDIA taas oo lagu siiyay hoggaan wanaag waxaa uuna u mahadceliyay Hoggaanka Concordia sida ay ugu sharfeen abaalmarintaasi isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan hawsha ay hayaan.
Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay saboolnimada ka jirta gobolka taas oo uu ku sheegay in ay dhaawac weyn u gaysatay kaabayaasha dhaqaale, hay’adaha iyo waxsoosaarka.
“Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac qasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicirbarar joogto ah. Waxa intaasi dheer, khayraadka oo yar oo ay weheliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobbo qayb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka” ayuu yiri madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.