Wararka

(DAAWO): Madaxweynaha Punland oo kulan la qaatay Nabadoonada gobolka Karkaar

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Madaxweynaha punland oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Nabadoonada iyo waxgaradka deegaanadaasi puntland

Madaxweynaha punland oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Nabadoonada iyo waxgaradka deegaanadaasi puntland @Yahye Isse Sheikh

Posted by TUSMO TV on Thursday, 30 April 2020

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close