Wararka
(Daawo): Laamaha amaanka KGS oo gacanta ku dhigay Kaarar Been abuur.

Gudiga barakacayasha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kusoo bandhigay kaarar been abuur ah oo barakacayasha lacag looga qadan jiray.
Guddoomiyaha Gudiga barakacayasha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdiqadir Mohamed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka waadan doonaan cid allaali cidii ay ku qabtaan ayagoo ku howlan samaynta ama qaybinta kaararkaan been abuurka ah.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay masuuliyiinta Kaamamka barakacyaasha u qaybiyeen warqada wacyi galin ah iyagoo siiyay ciwaano ay la soo wadaagi karaan haddii ay arkaan dad kaarar been abuur ah wato.
Sida uu Xaqiijiyay Guddoomiyaha Gudiga barakacayasha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdiqadir Mohamed Cali dadka barakacyaasha ayaa kaararkaani looga qaadan jiray lacag gaarayso $5 dollarka Maraykanka ah.
Gudiga barakacayasha kgs oo soo bandhigay kaarar been abuur ah oo barakacayasha lacag looga qadanayey https://youtu.be/LENawxr-tEY
Posted by TUSMO TV on Tuesday, 31 March 2020