Wararka
(DAAWO: Hay’adda Amnesty international oo walaac ka muujisay xaaladda wariyaasha dalka.

Hay’adda Caalamiga ee u dooda xuquuqda aadanaha Amnesty internationalayaa ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in seddexdii sanno ee lasoo dhaafay ay cadaadis ba’an ku haysay wariyaasha ka shaqeeyo warbaahinta gaarka looleeyahay.
Amnesty international ayaa sheegtay in dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dil, goodin iyo musuq maasuq u geeysatay waryaasha madaxa banaan ee ka howlgallo warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Warbixinta ay soo saartay hay’adda Amnesty international ayaa lagu sheegay in Gudaha Soomaaliya lagu dilay ugu yaraan seddeed (8) wariye tan iyo markii uu xugunka la wareegay Madaxweyne Farmaajo bishii February ee 2017-ka.
Seddeeda (8) wariye ee ku dhintay dalka gudihiisa ayay hay’addu sheegtay in ay dilkaasi u gaysteen Kooxda Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.