Wararka

(DAAWO): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo heshiis la gaaray dhigiisa dalka Qatar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) oo la kulmay Dhiggiisa magaalada Dooxa ee dalka Qatar Jamaal Madar Al-naciimi ayaa la saxiixay heshiis lagu mataaneynayo labada Caasimadood.

Labada Guddoomiye ayaa isla falaanqeeyey fursadaha iskaashi iyo xoojinta xiriirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Dooxa, waxa ayna qalinka ku duugeen heshiska mataaneynta labada Caasimadood oo ka kooban 10 qodob.

Heshiiska Maataneynta Muqdisho iyo Dooxa ayaa dhigaya in la isdhaafsado waayo-aragnimada dhanka shaqada iyo tayeynta shaqaalaha oo muhiimad gaar ah u leh Dowladda Hoose ee Xamar, maadaama muddooyinka danbe Maamulka Gobolku ay xoogga saarayeen tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha Gobolka.

Hoos ka daawo saxiixa labada masuul.

Duqa magalada muqdisho oo magalada doxa heshiis kula saxiixday dhigiisa magaaladaasi

Duqa magalada muqdisho oo magalada doxa heshiis kula saxiixday dhigiisa magaaladaasi

Posted by TUSMO TV on Sunday, 15 December 2019

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close