Wararka
(DAAWO): GABADH KAMID AH DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE KU BIIRAY CIIDAMADA QALABK SIDA KADIB DHACDADII 14-KII SOOBE.

Magaalada muqdisho waxaa manta isugu soo baxay kumanaan dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo kulan baroora diiq ah oo ay ugu duceynayaan dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgooyska Soobe 14-kii October 2017-kii.
Madaxa ay shacabka isugu soo baxeen waxaa kalmada duca iyo dhiiragalin ah ka jeediyay masuuliyiinta gobolka Banadir, sidoo kale waxaa kalmada xasuus mudan madasha ga jeediyay habla Soomaliyeed oo ciidanka Booliska ku biiray kadib dhacdadii 14-kii October.
Ayaan Maxamed oo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed islamarkaana ciidamada qalabka sida ee qaranka ku biirtay kadib dhacdadii 14-October 2017 ayaa ka warbixisay sawabtii ku qasabtay in ay ciidanka ku biirta.