Wararka
(DAAWO): Dowlada Soomaaliya oo ka Digtay in la Musuqmaasuqo Deeqha looga tala Galay Dadka ee Saameeyeen Fatahada Wabiyada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayar Maareye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay dadkii ku dhintay fatahaada wabiga Shabeelle iyo halka uu maraayo gurmadka loo samaynaayo dadka ay saamaysay fatahaadaha wabiga.
Wasiirka aya sheegay in qasaarihii ugu badnaa oo dhimasha ah ay aheyd doonidii siday masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hershabelle iyo shacab taas oo biyaha wabiga ku dhex-qaribmatay kadibna ay dad badan oo masuuliyiin iyo shacab isugu jiro ay ku dhinteen waxaa uuna tirada dadka dhintay ku sheegay 16 ruux.
Dowlada Soomaaliya oo ka Digtay in la Musuqmaasuqo Deeqha looga tala Galay Dadka ee Saameeyeen Fatahada Wabiyada
Posted by TUSMO TV on Monday, 4 November 2019