Wararka
(DAAWO): DHAGEYSI DADWEYNE: SHARCIGA HANTI DHOWRKA QARANKA.

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka iyo Xafiiska Hanti-dhowraha Guud, waxay kulan Dhageysi Dadweyne ee Sharciga Hanti-dhowraha ku qabteen Doorbin Hotel ee Muqdisho.
Kulankaan dhagaysiga dadweyne waxaa kasoo Qeyb Galay Khubaro isugu jirta Dhaqaalyahano, Hantidhowr, Canshuuraha, Maaliyadda iyo Xarumaha Cilmibaarista.
Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda Xildhibaan CabdiXakiin Macalin Axmed Maalin.