Wararka
(DAAWO): Booliska Soomaaliya oo dab qabasiiyay Jaad.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa dab qabasiiyay Jawaano Jaad ah kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Muqdisho xili la doonaayay in si dhuumaalaysi ah dalka loo soo galiyo.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goobta lagu gubay Qaadka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidanka ay ka go’antahay sidii ay u soo qab qaban lahaayeen dadka isku dayaayo in ay si sharci daro ah qaadka u soo galiyaan caasimada dalka.
Waxaa uu sidoo kale baaq u diray doonleyda oo uu sheegay in ay ka waantoobaan in doomahooda loo isticmaalo soo galinta qaadka sharci darada ah caasimada.