Wararka

(DAAWO): Booliska Puntland oo gubay qaad si sharci daro ah loo soo galiyay magaalada Garowe.

Hawl galo ay sameeyeen ciidamada booliska qaybta Gobalka Nugaal oo lagula dagaalamayo maandooriyayaasha khamriga iyo qaadka ayaa lagu soo qabtay qaad si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyay magaalada Garowe.

Maandooriyaha qaadka ee lagu soo qabtay hawlgalada ay wadeen ciidanka Booliska gobalka Nugaal ayaa lagu gubay bartamaha saldhiga dhexe ee Garowe, waxaana goob joog ka ahaa taliyaha Ciidanka booliska Puntland, taliyaha qaybta gobalka Nugaal iyo saraakiil kale.

Taliyaha Booliska Puntland Sareeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa digniino u diray dadka maandooriyaha soo galiya deegaanada Puntland.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo howlgal lagula dagaalamayo maandoriyaha ka sameyey magalada garowe

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo howlgal lagula dagaalamayo maandoriyaha ka sameyey magalada garowe

Posted by TUSMO TV on Sunday, 26 April 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close