Wararka

(DAAWO): Banaan baxya ka dhacay caasimada iyo qaar kamida dowlad goboleedyada oo ay sameeyeen ardayda fasalada 12-aad.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigayeen Ardey diiddan go’aanka Wasiirka Waxbarashada uu ku laalay Imtixaankii la galay sidaxdii maalin ee  la soo dhaafay.

Banaanbaxa ayaa ka dhashay markii  Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre uu ku dhawaaqay in Imtixaanka dowladda la baajiyay dibna loo galayo 27ka Bishan.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in Imtixaanka ay bixiyeen qaar ka mid ah wakiilladii Imtixaanaadka ee Wasaaradda.

Qaar kamida ardayda banaan baxa dhigay oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa lahadlay tusmo tv waxaa ayna ka cabanaayeen in ay imtixaanka ay ku bixiyeen waqti sidaas darteet in ay mudneen in imtixaanka laga baajiya.

Kaliya kuma koobneyn banaanbaxa magaaladda Muqdisho balse waxa uu ka dhacay qaar kamida gobolada dalka oo ay magaaladda baladweyne kamid tahay iyadoo ay ku dhawacmeen laba qof waa kuwan qaar kamida arday oo ka hadlay waxa ay ka cabanayaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close