Wararka

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Gor Gor oo ib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Gor Gor ayaa Tabar ku soo qaatay Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Lugta xogga dalka oo ka qayb ahaa masuuliyiinta ciidanka Garoonka ku soo dhaweeyay ayaa sheegay in Ciidamada looga bahan yahay sidii ay dalka xasilintiisa kaga qayb noqon lahayeen.

“Gorgor ha noolaadaan Dowladda Turkiga maanta waxaan u awoodnaa in aan ka jeclaano wadnaheena iyo qalbigeena waana u abaal gudi doonnaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Lugta xogga dalka.

Dhankisa wasiirka Gashandhiga Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ciidanka Gor Gor ee maanta dalka dib dalka ugu soo noqday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Xusay in DFS ay ku howlantahay dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ,isla markaana Dowladda Turkiga uu ugu mahadcelinayo Taageeradda ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed .May be an image of one or more people, people standing and outdoorsMay be an image of standing and outdoorsMay be an image of 1 person and outdoorsMay be an image of one or more people, people standing, military uniform and outdoors

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close