Wararka
Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo isaga soo baxay deegaan ka tirsan Gobolka Bari.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo fariisimo ku lahaa deegaanka Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa saaka isaga soo baxay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan ciidamadan oo isugu jira Boolis iyo ciidamada Daraawiishta in ay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Jimbac ee isla gobolka Bari.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sababta Ciidamada Puntland Saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanka Buuraleyda Galgala uga baxeen ay tahay Mushaar la’aan Bilooyinkii dambe heysatay.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland balse Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa hore u ballanqaaday inuu bixin doono mushaaraadka ciidamada bil walba.