Wararka
Cumar Filish oo dhagax-dhigay xarunta Degmada Shibis.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan maanta dhagax-dhigay xarunta Degmada Shibis oo dib u dhis lagu sameynayo.
Guddoomiyaha waxaa Munaasabadda dhagax-dhigga ku wehlinaayay guddoomiyaha degmada Shibis, Gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda dib u dhiska Qaranka.
Mashruucan uu daahfuray duqa magaalada Muqdisho yaa isugu jira mid lagu dhisaayo qeybaha kamid ah xarunta maamulka degmada Shibis iyo sidoo kale mid lagu xoojinaayo barnaamijyada lagu taageeraayo awoodsiinta dumarka.
Xaruntaan maanta la dhagax dhigay ayaa waxbadan ka qaban doonta baahida shacabka ku dhaqan degmada Shibis waxaa ayna tusaale u tahay balan qaadkii guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banadir taas oo aheyd in uu halkeeda kasii wadi doona shaqooyinkii uu horey u waday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir.