Wararka

Cumaan oo Deeq Raashin soo gaarsiisay dadka ku tabalaysan Muqdisho

Dowlada Cumaan ayaa maanta deeq Raashin ah oo loogu tala galay dadka danta yar soo daarsiisay caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaana deeqda kala wareegay masuuliyiin ka kala socotay wasaaradda gargaarka iyo maamulka Gobolka Banadir.

wasiirka Gargaarka xukuumada federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo ka hadlay deeqdaan raashinka ee caasimada la soo gaarsiiyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isagoo dhanka kale ka codsaday dowlada Cumaan in ay garab siiso dowlada Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) oo ka qayb gashay munasabada ay deeqdaan kula wareegeen ayaa dowlada Cumaan kaga mahadcelisay gar gaarkaan.

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in deeqdaan ay kusoo aaday xili loo baahnaa ayna dowlada Cumaan ka mid tahay dowladaha garabka siiyo Soomaaliya.Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: foodImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close