Wararka
Col. Carre oo aqbalay heshiis dhexmara Jamhaddiisa iyo Maamulka Somaliland.
Oday dhaqameedyo ku kala dhex jiray Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre), isla markaana hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay heshiis lagaareen Col. Caarre.
Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-gude) oo ahaa guddoomiyaha oday dhaqameedkii dhex dhexaadinayey xukuumadda Somaliland iyo Col Caarre ayaa sheegay in iyaga iyo Caarre ay heshiis gaareen uuna hadda horyaal madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-gude) ayaa sheegay in imaatinkoodi Hargaysa ay kusoo toostay amin uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku maqanyahay Gudashada acmaasha xajka ayna ka warsugi doonaan Madaxweynaha.
Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaan in uu xumaado iyo in u wanagsanaado ay ku xirantahay madaxweynaha maamulka Soomaaliland.