Wararka
Ciiidamada Qalabka Sida oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegana hoostago gobolka Galgaduud.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada Alshabaab gacantoda ku jirtay.
Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa dadka deegaanka u balan qaaday in Ciidamada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan ilaalinta amnigooda.
Howlhalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo si diiran ugu soo dhaweeyeen dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.