Wararka
Ciidanka xoogga Dalka oo howl-gallo ka sameeyay degaanno hoos tago Bardheere.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo kasameeyay deegaano hoostago Magaalada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgalkaasi ay wax yeello u gaysteen Al-shabaab.
Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad, qeybtiisa 43-aad ee Ciidanka XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay howl-galka ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena ay dhaawac u gaysteen kuwa kale halka uu taliyaha sii raaciyay in ay howlgalka kusoo qabteen tiro kale,
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-shabaab ka furteen Hub iyo Ari gaaraya Saddex Boqol oo ay horay uga kaxeysteen Shacabka halkaasi deggen waa sida uu hadalka u dhigay waxaa uuna raaciyay in Xoolahihii ay u celiyeen Dadkii lahaa.