Wararka
Ciidanka xoogga dalka oo Al-shabab ka soo furtay Caruur ay utababarayeen Shabaab-nimo.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha Ururka 143 Aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo hogaaminaayay hoowlgalka ayaa u sheegay warbaahinta inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.