Wararka
Ciidanka Xasilinta Caasimada Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay Magaaladaas.

Ciidamada Booliiska ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Gacanta ku dhigay Faa’id Salaad Caraale kaas oo hada ku xiran Saldhiga Booliiska magaalada ka dib markii uu Xalay Dil u gaystay Walaalkiis Raage Salaad Caraale.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Waabari waxaana hada socanaya Baaritaan kaas oo la xariira waxyaabaha keenay in Faa’id uu Dilo Walaalkiis.
Taliyaha Booliiska Dhusamareb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle Cabdullahi Xassan Macallin ayaa warbaahinta u sheegay inuu Xiran yahay Ninka Dilka gaystay Baaritaan ka dibna ay ka bixin doonaan Faahfaahin.