Wararka
Ciidanka Ilaalada Dugsiga Tababarka ee Turkey Som oo toogasha ku dilay nin laga shakiya.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odaywaa Yusuf Raage ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay toogteen nin looga shakiyay in uu ahaa ismiidaamiye kadib markii uu u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som.
Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogtay ninkaan xili goobtaasi ay ku sugnaayeen dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen Odaywaa.