Wararka
Ciidanka Booliska Puntland oo Iska caabiyay weerar ay soo qadeen Daacish.

Iska hor imaad u dhaxeeyay rag hubaysan iyo ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu dilay mid kamid ah ragii hubaysnaa halka Mid kalena lagu qabtay noolal xili uu dhaawac ahaa sida uu ku warbixiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud.
Sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud weerarkaani soo qaaday Kooxda Daacish kuwaas oo uu ku sheegay in ay doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso.
” Waxaan nolal iyo geeri ku haynaa koox ka tirsan ururuka argagixisada Daacish kuwaaso rabay inay qaraxyo iyo dilal ka fuliyaan Bosaso” ayuu yiri G/Sare Xussen.
Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamada PSF PMPF iyo ciidamada booliska Gobalka Bari oo howl galkan si wada jira u sameyay waxaa uuna balan qaaday in uu abaal marin doona dhamaan ciidamadii ka qayb galay howlgalkaan.
G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ciidamada booliska u soo jeediyay in looga baahanyahay in ay markasto ka jawaab celiyaan weerarada ay soo qaadaan kooxda daacish. Waxaa uu sidoo kale shacabaka Gobolka Bari ka codsaday in ay garab galaan ciidamada si nabada iyo kala danbaynta loo ilaaliyo.